__

 

Ciidamo Ka Socda Ethiopia Iyo Dawlada Taagta Daran Ee Somalia Oo La Wareegay Magaalada Baydhabo. Kadib Markii Kooxda Al-shabaab Iskood Uga Baxeen PDF Print E-mail
Wednesday, 22 February 2012 15:09

Baydhabo(ANN)Kooxda Al-shabaab ee gacanta ku haysay Magaalada Baydhabo ee Koonfurta Somalia, ayaa gebi ahaanba iskood uga baxay Magaaladaa, iyadoo ay maanta gaadheen halkaa ciidamo  ka socday dawladda taagta daran ee Somalia, Kuwa Ahlusunna Waljameeca iyo Ciidamo ka tirsan

 

milatariga Ethiopia, kuwaas  oo gebi ahaanba la wageeray magaaladaa.
Wararka ka imanaya Baydhabo ayaa sheegaya inay Ciidamadda is xulufaystay ay la wareegeen halkaa, iyadoo wax dagaal ahi ka dhicin. Kadib markii ay xooggaga Al-shabaab isakaga baxeen, kuwaas oo gacanta ku hayay Magaaladaa tan iyo horaantii 20009.
Ciidamada isbahaysiga ee gaadhay Baydhabo oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu waaweyn ee ay gacanta ku hayso, iyadoo ay hore uga baxeen Magaalada Beledweyne ee badhtamaha Somalia, taas oo ay ciidamada huwanta ee gaadhay fadhiisimo ka samysteen.
Lama garanayo sababta ay A-shabaab xiligan uga baxday  magaalo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ay gacanta ku haysay, iyadoon wax dagaal ahi ka dhicin, waxaana arrintani kusoo beegantay maalin ka hor shirka arrimaha Somalia ee ay wado dawladda  Britain, kaas oo xal loogu raadinayo mushkilada iyo colaaddaha Somalia hadheeyay labaantkii sanadood ee lasoo dhaafay oo bulshada caalamku ku jaahwareertay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

 

Other Links

There seems to be an error with the player !

Dhegaysi/audio


Please enter valid API Key from Facebook Page.

Who's Online

We have 2 guests online

Sports Headline