“Wasiirka Maaliyaddu Waxba Iilama Hadhin, Eedaha Noocaa Ah Ee Aan Jirin Markaad Qof Masuula Ku Oogtid Adiga Ayaa Faldenbiyeed Ku Jira.” Dr. Xuseen Wasiirka Macdanta Somaliland PDF Print E-mail
Wednesday, 28 December 2011 20:07

Hargeysa(ANN)Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ka gubtay eedo wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi u jeediyay oo nuxurkoodu ahaa inuu si gaara u lunsaday lacag qaranku leeyahay, balse Wasiirka macdanta Somaliland ayaa markii u

horaysay ka hadlay eedahaa, wuxuuna uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaa, isagoo sharaxaad ka bixiyay lacagahaa oo sida uu sheegay saxaafada Somaliland qaarba cadad ku tilmaameen.
Wasiirka macdanta iyo Biyaha Dr. Xuseen Cabdi Ducaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu sheegay in eedaha wasiirka Maaliyaddu u jeediyay  inay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay labadoodu weli wax lacag ah ka wada hadlin,  balse aan isaga waxba loola hadhin ee uu ku badbaaday daacadnimadiisa.  Sidoo kale Dr. Xuseen wuxuu  shirkaa Jaraa’id kaga  waramay heshiisyo ay sii ambo qaadeen oo ay ka dhaxleen xukuumaddii hore.
Wuxuuna isagoo sharaxaad ka bixinaya ujeedada shirkiisa Jaraa’id yidhi, Waxaan maanta shirkan jaraa’id u qabtay bal inaan ka jawaabo waxyaabo badan oo beryahan soo noqnoqonayay oo saxaafaddana aad ugu jiray waxaasi wixii uu ku salaysnaa iyo halka ay ka timid inaan idiin faah faahiyo ayaan jecelahay, mudadii tobanka maalmood ahayd ee arrimahani soc-socdeen Saxaafadda waxa ku jirtay arrintan lacag lunsigu waan ka hadli kari lahaa, laakiinse waxaan doorbiday inaan sugo inta uu ka go’aan gaadhayo hanta dhawrihii uu u diray madaxweynuhu oo marka ay soo afjaranto baadhistu aniguna wixii fikir ah ee aan ka qabo aan ka waramo.”
Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu wuxuu sheegay inaanu jirin wax uu lunsaday isagoo  yidhi,  “Runtii waa nasiib darro in laygu tuhmo tuugonimo iyo lacag lunsi iyadoo aanay arrintaasi waxba ka jirin,eedaasina ay ka timid masuul aniga oo kale ah, waa eed aad u culus waxaanad lunsan marka lagugu eedeeyo waxay ahayd inuu Wasiirka maaliyaddu ka fiirsado arrintaasi oo uu anigana wax iga weydiiyo, mar qudhana waxba igama uu weydiin arrintaasi. Eedaha noocaas ah markaad qof masuul ah ku oogtid ee ay run noqon waydo markaa adiga laftaada ayaa fal dambiyeed ku jira waana wax maxkamad la iskula gali karo.”
Wuxuuna isagoo dareenkiisa eedahaa loo jeediyay ka hadlaya  yidhi,  “Waxaan idiin sheegayaa daacadnimadda ummadda loogu shaqaynayaa kuma koobna oo qudha masuul kaliya oo dawlada ka shaqeeya, Wasiirka maaliyadda waxba iilamuu hadhin haddii uu arrintaa aadka u culus igu eedeeyay ee waxa iga badbaadisay daacadnimadeyda oo qudha. Waxaana  mar kale ummadda u cadaynayaa inaanay waxba ka jirin eedaha la ii soo jeediyay oo aanan waxba ka lunsan qarankan. ”
Dr. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu ka waramay sidii baadhista hanti dhawruhu ku timi, wuxuuna  yidhi,  “Waxaan u malaynayaa inaan ka duulaayo warbixintii uu shalay saxaafadda u baahiyay hanti dhawraha guud ee qaranku oo ku saabsanayd baadhistii uu ku sameeyay wasaaradda macdanta iyo biyaha, way jirtaa oo hanti dhawruhu masuuliyadiisa weeye inuu qaranka xoolihiisa ilaaliyo. Waxaanu xaq u leeyahay inay markay doonaan baadhaan Hay’addaha dawladda. Laakiin baadhitaanka  shalay soo afjarmay ee hantidhawruhu ka waramay waxay ka timi. Maalintii khamiistii ee shirkii Golaha Wasiirrada ee 15-kii bishan waxa aniga I soo gaadhay in la igu eedeeyay lacag lunsi uu Wasiirka Maaliyaddu igu eedeeyay oo intuu madaxweynaha u tagay ku yidhi,  Wasiirka macdanta iyo biyaha waxaanu ku haynaa lacago uu lunsaday, lacagtaasi oo uu ku shubtay account- dibada ah oo la yidhaahdo DCA oo uu isagu gaar u leeyahay, markii arrintaasi dhacday ayaa haddana waxa I soo gaadhay inuu Wasiirka maaliyaddu sidaasi si leeg u sheegay lix Wasiir oo kula jira Guddida qaban qaabada Miisaaniyada sanadka soo socda oo uu ku yidhi,  waxaan wasiirka macdanta ku hayaa lacago xatooyo ah.”
“ Shirkii ugu dambeeyay Golaha Wasiirrada ee khamiistii hore waxa jiray falanqeyn lagu darsayay heshiis iyo wax ka bedel aan keenay oo ku saabsan shiidaal,markaa arrintan lafteedu way soo noqnoqotay oo hadalkiina way soo gashay. Shirkana waxa fadhiyay 27 Wasiir oo aan anigu 28 ku ahay. Waxa Wasiirka maaliyaddu uu shirka ka sheegay inaan musuq-maasuq ku kacay. Markaasi hantidhawrku baadhistiisa uu shalay soo afjaray waxa amray madaxweynaha Somaliland markii Wasiirku warkaasi keenay. Waxaana daruuri noqotay in si rasmi ah baadhitaan loogu sameeyo wasaaradda. Hanti dhawruhu wixii uu xog ku helay baadhistiina isagaa idiinka waramay,”ayuu yidhi Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.
Wuxuuna isagoo ka hadlaya heshiisyada iyo qaabka lacaguhu kusoo galeen yidhi, “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo lacagaha wasaaradda soo galay ee khaladka laga sheegay horta wasaaraddu wax heshiis ah oo cusub oo ay gashay ma jirto ee waxay sii ambo qaaday heshiisyadii hore ee aanu ka dhaxalay dawladii naga horeysay, heshiisyadaasi wax ka bedel ayaanu ku samaynay si aanu u dhiiri gelino shaqo hor leh uga bilowno baadhitaankii shiidaalka, markaa heshiisyadaasi wax ka bedelkooda ayuun baanu samaynay, balse maanaan gelin heshiisyo cusub oo aanu shirkado la saxeexanay, waxa weeye lacaguhu waxay ku qeexan yihiin heshiisyada aanu wax ka bedelka ku samaynay waana kuwo u xaroonaya dawladda. Dawladuna lacagaha ay xaqa u leedahay ee ah inay qasnadeeda gashana waxa la yidhaahdaa Royality oo ah waxaynu u naqaano xaqul qalinka taasi oo ah wax aynaan shaqo ku lahayn oo ku dhacda qasnadda dawladda, waxa kale oo jira wax la yidhaahdo ( Service Rent) oo ah kiradda dhulkan ay joogayaan in laga kireeyo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo ka hadlayay lacagan lagu eedeeyay cadadkeeda iyo sidii ay ku timi, ama meelaha ay ka timi wuxuu yidhi,  “Waxa heshiisyada aanu dhaxalay ku qeexan kuna qoran sadex heshiisba lacago yar yar oo loogu tallo galay tayaynta wasaaradda macdanta oo aan aad u badnayn oo ah (Capacity building) oo ah waxay wasaaraddu ku shaqayso si ay horumar u samayso, awoodna u yeelato hawl galadeeda shaqo, runtii lacagtanna oo maalmihii u dambeeyay saxaafadda midba dhinac u jiiday oo ay qaarkood marinayeen nus malyuun iyo Dollar, lacagta laga hadlayaana waa Capacity building laba sanadood is gaadhay oo ah laba meelood oo midiiba tahay konton kun  oo  dolar oo shirkad ka timi, iyo lacag $ 75 kun ah oo iyana shirkad kale ka timi, lacagahaasi isu geyntoodu  waa $ 175 kun oo Dollar markii ay yimaadeen lacagahaasi waxay si toos ah ugu soo dhaceen bangiga dhexe oo Guddoomiyaha baanka ayaa qabtay, aniguna kumaan shuban account gaar ah oo ka furan Djibouti. Lacagtii waxay ku xarootay account wasaaraddu leedahay, hawsha ay wasaaraddu ku qabsanaysaana waa wax iyada u yaalla.” Ayuu yidhi Dr. Xuseen Cabdi Ducaale.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it    
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Qubanaha Wararka iyo Qoraallada

Halkan Ka Daawo Wararkii Bulsho TV 16 September 2014, 19.08 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Halkan Ka Daawo Wararkii Bulsho TV
Hargeysa(Araweelo News Network) wararkii iyo Barnaamijyadii Telefishanka Madaxabanaan ee Bulsho TV  15 Sep 2014, ka daawo
Maxaa Sababay In Madaxweyne Siilaanyo Oo Codka Shacbiga Ku Yimi Ka Dhuunto Saxaafadda, By C/raxmaan Cadami
  Dabeecada Aadamaha waxa ka mid ah in qof walba noloshiisa mar,  ama in ka badan la kulmo dhibaato,  yaalaa ma dhacdo inuu cimrigiisa ku
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka 16 September 2014, 06.03 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maayarka Caasimadda Hargeysa Oo Sheegay In Ay Joojiyeen Bixinta Dhulka
Hargeysa(Araweelo News Network)Maayarka  caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), ayaa shaaciyay in la hakiyay bixinta dhulka Dawlada Hoose
Cabdiraxman Cirrow Banaanka Soo Istaaq Hadaad Tahay Musharax Madaxweyne. By Jaamac C/Laahi Biime 15 September 2014, 16.10 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Cabdiraxman Cirrow Banaanka Soo Istaaq Hadaad Tahay Musharax Madaxweyne. By Jaamac C/Laahi Biime
Ummada Reer Somaliland Waxey La Yaabantahay Laba Wajiilaynta Gudoomiyaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxman Cirro ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka
David Haines, Samafale Ka Soo Jeeda Ingriiska oo Kooxda Daacish Dhegta Dhiigga U Dartay.  Faallo: Qalinka Xassan Cumar Hoorri
Ninkii saddexaad oo ka soo jeeda dunida tadhahday (Galbeed) ayaa kooxda Daacish, shalay, dhegta dhiigga u dareen. David Haines waxaa uu u
Roobab Waxyeelo U Geystay Deegaanka Beeralayda Gebilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay 13 September 2014, 17.37 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Roobab Waxyeelo U Geystay Deegaanka Beeralayda Gebilay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Gebilay(Araweelo News Network) Roobabka Raxmaadka Gu’ga oo mudooyinkan ka da’ayay deegaamo badan oo Somaliland, ayaa waxyeelo gaadhsiiyay Deegaanka Beeralayda Gebilay meelo ka mid ah. Kadib markii Daad
Mucaaradkow: Ku Jiqsiida Laguma meel maree, Isku duubnibaa lagu Meel maraa. By. Maxmed Faarax Qoti 11 September 2014, 20.50 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Mucaaradkow: Ku Jiqsiida Laguma meel maree, Isku duubnibaa lagu Meel maraa. By. Maxmed Faarax Qoti
Waxa aad moodaa in siyaasada ay u yaqaanaan muranka, wanjalka iyo ku jiqsiinta xisbiyada mucaaridku, bal u fiirso dhawaaqan ka soo yeedhay Labada
Daawo Munaasibad Uu Xilka Kula Wareegay Guddoomiyaha Jaamacadda Ceergaabo 11 September 2014, 14.04 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Daawo Munaasibad Uu Xilka Kula Wareegay Guddoomiyaha Jaamacadda Ceergaabo
Ceergaabo(Araweelo News Network)Munaasibad uu xilka kula wareegay Gudoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Ceergaabo, ayaa lagu qabtay Magalaada xarunta u ah Gobolka Sanaag ee
Taariikh Nololeedkii Axmed Godane Hogaamiyihii Al-shabaab, W/Q. Sacad Muxumed 11 September 2014, 07.14 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Taariikh Nololeedkii Axmed Godane Hogaamiyihii Al-shabaab, W/Q. Sacad Muxumed
Todobaadkii hore waxaa la dilay xogaamihiyii ugu sareeyay xarakada al shabaab axmed cabdi aw maxamuud oo ku magac dheeraa axmed
Maxaa Ka Hirgalay Talooyinkii Aan Siiyay KULMIYE Ka Hor Intaanu Xukunka Qaban, By. Axmed Carwo 10 September 2014, 19.57 carraale Qubanaha Wararka iyo Qoraallada
Maxaa Ka Hirgalay Talooyinkii Aan Siiyay KULMIYE Ka Hor Intaanu Xukunka Qaban, By. Axmed Carwo
Waxaan jecleystay inaan dib u eego taloyiin  aan u gudbiyey Shirweyni Kulmiye ee 2007. waa xusuus mudnaanteeda leh, iyadoo aynu ku jirno dhammaadkii muddadii talada dalka leynoo doortay oo dhowaan la geli

There seems to be an error with the player !

Saaxiibada kuugu Dhow Ee Kula Wadaaga Waqtigan

We have 20 guests online

Hambalyo & Tahniyad

Congratulations Mohamoud Amin Egeh & Kaltoum Yussuf Adan 08 September 2014, 15.20 carraale Hambalyo & Tahniyad
Congratulations Mohamoud Amin Egeh & Kaltoum Yussuf Adan
Mohamoud Amin Egeh & Kaltoum Yussuf Adan who got into wedding in Hargeisa on
Alif Mabruuk Arooska Naasir Yuusuf Daahir iyo Hoodo Siciid Shukri Oo Ku Aqal-galay Hargeysa
Aabbo Yuusuf Daahir Axmed, Hooyo Caasha Aadan Yuusuf iyo caruurtooda oo kala
Dhallasho Lagu Farxay Aabbe Farxaan Cali Sallaad Iyo Hooyo Safiya C/llaahi Nuux Oo Wiil Ugu Dhashay Guri-Ceel oo ka Tirsan Gal-guduud
Dhalsho Farax Ah, Aabbo-Siciid Nuux Cumar Iyo Hooyo-Xalwo Oogle Nuur Iyo Dhammaan Reer Siciid Nuux,Adeer-Abokor Nuux Cumar Xaaskiisa iyo
Hanbalyo Meher 29 May 2014, 20.59 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Meher
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
Hanbalyo Meherka Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shugri 30 April 2014, 19.33 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Hanbalyo Meherka Naasir Yuusuf Daahir Iyo Marwadiisa Hoodo Siciid Shugri
Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan,Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees,Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Barri ee JSL, Mudane Cali
Meher wacan Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Xasan 11 January 2014, 20.49 carraale Hambalyo & Tahniyad
Meher wacan Axmed Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami Iyo Marwadiisa Hodan Muuse Xasan
Cabdiqaadir Muxumed Aadan iyo Xaaskiisa, Cabdicasiis Ismaaciil Cabdi iyo Xaaskiisa, Maxamed Cabdillaahi Dalmar iyo Xaaskiisa, Mustafe Maxamed Cabdillaahi (Faro), Siciid Axmed Cabdi, Cabdirisaaq
Hanbalyo Allif Mabruuk Arooska Axmed Siciid Maxamed iyo Marwadiisa Nimco Cabdullaahi Cabdi
Tafaftiraha Shebekaddaha Araweelonews.com, Arraweelo.com iyo shaashada ArraweeloTV Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan weriyaayaasha iyo hawlwadeenada shebekaddaha Arraweelooyinka
Hanbalyo Aroos Wacan 21 September 2013, 17.26 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hanbalyo Aroos Wacan
Maamulaha Dugsiga Hoose Dhexe Ee Horyaal Caynaba Aden Dirir Geedi
Hambalyo Aroos Fadxad leh: Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax 22 June 2013, 21.01 carraale Hambalyo & Tahniyad
Hambalyo Aroos Fadxad leh: Gacal iyo Sokeeya-ba Guurkiinna lagu farax
Guurkiinnu Guur khayr, Gurigiinna Guri Nagi, Guulloow ka
Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi 30 May 2013, 17.24 carraale Hambalyo & Tahniyad
 Meher Wacan Mr. Sacad Muuse Ibraahim & Ifraax Cali Cabdi
Aabbo Cali Cabdi Cabdillaahi, Hooyo Xalliimo Cabdi Cumar, Layla Cali Cabdi iyo carruurteeda, Samsam Cali Cabdi iyo carruurteeda, Safiya Cali Cabdi iyo

Home | RSS Feed Designed by Ubax H. Hashi

Top